Home / Caafimaad / WHO: Haweenka ayaa xilligan ka cimri badan ragga

WHO: Haweenka ayaa xilligan ka cimri badan ragga

Himilo FM –Khubaro katirsan hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in celceliska da’da nolosha dadka caalamka korortay tan iyo sannadkii 2000 inka badan 5 sanno.

Warbixinta hay’adda WHO ayaa xustay in koror laga dareemayo celceliska da’da dadka caalamka tan iyo billowgii qarnigan. Celceliska da’da ayaa ka sara maray 66.5 isaga oo immika noqday 72 sanno.

Tirakoobka hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale tilmaamay in deegaano badan laga dareemayo kororka celceliska da’da dumarka oo ka badan tan ragga.

Marnaanshiyaha u dhaxeeya da’da nolosha ee rag iyo dumar waxaa sabab looga dhigay in inta badan ragga aysan tagin xarumaha caafimaadka marka loo eego haweenka.

Waxaa tusaale loo soo qaatay dalalka uu ku badan yahay xannuunka AIDS-ka, haweenka ayaa inta badan u taga dhaqaatiirta iyadoo laga hubiyo inay qabaan xannuunka, waxaana la siiyaa dawooyinka muhiimka ah.

Waxaa kale oo lagu sheegay warbixinta hay’adda in ragga aysan gaarin dhaqaatiirta xaaladaha qaar ee la oggaado xilli hore sida cudurka dabeysha iyadoo tani u bandhigto geeri deg deg ah.

Waxaa intaa dheer inay jiraan sababo ku qotoma hab dhaqanka ragga oo ay kaga duwan yihiin haweenka, waxaa kamid ah in ragga u nugul yihiin is-dilka, dilka iyo shilalka wadooyinka.

Qorayaasha warbixinta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in dadka ku nool dalalka dakhligooda nolosha uu liito ay noolaadaan inka yar nolosha dadka ku nool dalalka horumaray.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan