Himilo_ Masar ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay inay ka xorowday cudurka duumada, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), taasoo ah guul weyn oo ay gaartay Egypt WHO waxay ku tilmaantay guushan mid “taariikhi ah.”
Duumada waxay dhibaato ku ahayd Masar kumannaan sano, laakiin hadda cudurkaasi waa taariikh. Madaxa WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa yiri, “Duumada waxay la da’ aheyd ilbaxnimada Masaarida, laakiin hadda waa laga ciribtiray waddanka.”
Masar waxay bilowday inay ka shaqeyso ciribtirka duumada qiyaastii 100 sano ka hor. Si waddan loogu dhawaaqo in laga ciribtiray cudurka duumada, waa inuu muujiyo in aysan jirin gudbinta cudurka muddo saddex sano ah ugu yaraan.
Duumada weli waxay dishaa in ka badan 600,000 qof sannad kasta, gaar ahaan Afrika. Laakiin hadda Masar waxay ka mid noqotay 44 waddan iyo hal gobol oo caalamka ah oo iska ciribtiray cudurka. Sidoo kale waa waddankii saddexaad ee gobolka Bariga Dhexe ee ku guuleysta ciribtirka duumada, kadib Imaaraadka Carabta iyo Marooko.
WHO waxay ku ammaantay Masar dadaalkeeda, laakiin waxay uga digtay inay feejignaato si looga hortago soo laabashada duumada. Hay’adda waxay sharaxday in Masar ay bilaawday dagaalka ka dhanka ah duumada 1920-yadii markay bilaabeen in la yareeyo beerashada dalagyada soo jiita Kaneecada sida bariiska.
Duumada waxaa keena jeermis kaneecada gudbiso. hababka ugu wanaagsan ee looga hortago duumada waa in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecada iyo in si dhow loo kormeero cudurka.