Wiil 18 jir ah oo noqday borofisarkii jaamacadeed ee ugu da’da yaraa dunida

Himilo – Nathan Thomas, oo hadda 21 jir ah, ayaa Guinness World Records ku mutay inuu noqday borofisarkii jaamacadeed ee ragga ugu da’da yaraa abid, kaddib markii uu waxbarid ka bilaabay Miami Dade College ee gobolka Florida bishii Agoosto 2023, isagoo jiray 18 sano iyo 346 maalmood.

Thomas oo ahaa ilmo hibadiisu sareyso dhinaca injineernimada ayaa jaamacad bilaabay isagoo 10 jir ah, wuxuuna 14 jirkii u wareegay Florida International University. Markii uu 18 jir noqday, wuxuu qaatay shahaadada Master-ka ee injineernimada korontada.

Thomas wuxuu sidoo kale 16 maalmood ka yaraa Alia Sabur, oo 2008 noqotay haweeneydii ugu da’da yareyd ee borofisar jaamacadeed.

Ninkan ayaa hadda internetka ka dhiga koorsooyin, isagoo isla markaana dhigta sharciga Juris Doctor ee Jaamacadda Miami, halkaas oo la filayo inuu ka qalin-jabiyo 2028. Wuxuu qorsheynayaa inuu ku takhasuso dhinacyada sayniska, tignoolajiyada, injineernimada iyo xisaabta (STEM).

Waxa uu sheegay in waxbarashada injineernimadu ka caawisay inuu dhibaatooyinka adag si nidaamsan u kala jebiyo, taas oo uu hadda uga faa’iideysto waxbarashada sharciga.

error: Copy lama Ogola Fadlan