Himilo – Waxay ahayd dhacdo murugo badan u horseeday qoyskan Muslimka ah. Saahil, oo ah wiil 14 jir ah waxaa madaxa looga toogtay kaliya inuu dhulka ka qaatay lacago yaryar oo hawada lagu bitiyay xilli uu joogay xaflad aroos.
Dilaaga falkan ku kacay waxaa la yiraahdaa Madan Gopal Tiwari. In kasta oo la xiray haddana booliska ayaa sheegay inuu cabsanaa markii uu dilka sameynayay – uuna sidoo kale caan ku ahaa xanaaq badan iyo xaalado dhinaca maskaxda ah.
Sida ay ku warrameen booliska, Saahil oo ka shaqeeya dukaan qudaarta lagu iibiyo wuxuu ag maray halka ay xafladdu ka dhacaysay markii uu arkay lacag kor loo firdhinayo- ilmo badan oo asaagii ahna ay dhulka ka qabsanayaan lacagta. Markii gacanta la helay mid kamid ah lacagtaas waxaa durba bilowday buuq iyo is-qabsi.
Qof ayaa Saahil kula dhagay lacagta kaddibna si xoog leh uga dhifsaday isaga oo weliba handadaya. Kolkii uu isku dayay inuu weydiiyo waxa qaldan, wuxuu kusoo riday xabad madaxa ka haleeshay Saahil. Markii loola cararay isbitaalka, dhaqaatiirta ayaa sheegay inuu naf baxay! Hooyadiis waxay sheegtay in xattaa lacagta wiilkeeda nafta loo dhaafiyay ay ahayd mid bug ah oo aan qiimi lahayn.
Saahil ayaa ahaa qofka kaliya oo xooggiisa ay ku nool yihiin labadiisa waalid iyo ilmaha la dhashay. Bil walba wuxuu qaadan jiray ₹6,000 isaga oo maalin walba ka shaqeyn jiray 11 saacadood oo xiriir ah. Waaxa la dhashay saddex wiil iyo saddex gabdhood.
Hoggaanka Bulshada Muslimiinta Hindiya ayaa codsaday in caddaaladda lasoo taago dilaaga.
Radio Himilo
