Home / Cayaaro / Willian oo dhaxlay Eden Hazard

Willian oo dhaxlay Eden Hazard

Himilo –Naadiga Chelsea ayaa  xaqiijisay nambarada maaliyadda cusub ee xilli ciyaareedka 2019/20.

Xiddiga reer Brazil ayaa siiyay lambarkiisii hore Christian Pulisic , wuxuuna qaatay maaliyadda  uu saaxiibkiisii hore ka tagay xagaagan.

Willian ayaa xiran doona No.10 ee Chelsea xilli ciyaareedka 2019-20 isagoo beddelaya Eden Hazard kaddib markii weeraryahanka reer Belgium uu ku biiray Real Madrid.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa xirtay maaliyadda No.22 illaa iyo markii uu ugu soo biiray Blues 2013, laakiin waxa uu haatan beddalay Hazard oo shantii sanno ee ugu dambeysay sitay  illaa 100 milyan Euro oo u dhiganta (£ 91m / $ 111m) ku aaday garoonka Santiago Bernabeu.

Dhanka kale, lambarkii hore ee Willian waxaa qaatay Christian Pulisic, kaasoo xagaagan  yimid Stamford Bridge isagoo ka yimid kooxda Borussia Dortmund iyadoo 21 jirka Tammy Abraham la siiyay No.9 kaddib ammaahdii uu kula joogay Aston Villa markii uu ka soo laabtay.

Mason Mount ayaa sidoo kale la rajeynayaa inuu door ku yeesho Blues madaama uu dib ula midoobay tababare Frank Lampard, kaasoo qaab ciyaareed fiican kusoo bandhigay xilli ciyaareedkii hore Derby County, 20 jirkan ayaa qaatay No.19.

Chelsea ayaa bilaabaneysa ololaheeda Premier League Axadda soo aadan marka ay booqanayaan Old Trafford si ay ula ciyaaraan kooxda Manchester United.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan