Home / Habka-Nolosha / Willian oo lala xiriirinayo Manchester United.

Willian oo lala xiriirinayo Manchester United.

Muqdisho – Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxdfa Chelsea, Willian ayey wararku sheegayaan in uu xiise ka helayo naadiga Manchester United macalinkeeda, Jose Mourinho kaas oo la aaminsan yahay in uu ciyaaryahankan la doonayo garoonka Old Trafford.

United ayaa lala xariiriyey Brazilian-kan intii uu furnaa suuqii kala iibsiga ee la soo dhaafay laakiin sida ay warineyso Le 10 Sport, horumar ayaa laga sameyn karaa in laacibkan uu boos badalasho sameeyo.

Sida ay wararku sheegayaan, Chelsea ayaa wada hadalo kula jirta kooxda Paris Saint-Germain qadkeeda dhexe ee Lucas Moura, kaas oo ay macquul tahay in uu badal u noqdo Willian isla markaana uu yimaado Stamford Bridge.

Willian ayaa qeyb ka ahaa kooxdii Blues-ka ee qasaarada 4-0 aheyd gaarsiisay West Bromwich Sabtidii, markii ugu dambeysay ee uu gool dhaliyo waxa ay aheyd kulankii Everton ee EFL Cup.

Si kastaba, laacibka reer Brazil ayaa diyaar u  noqon doona in uu baxo haddii uu Antonio Conte lasoo saxiixdo Moura.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan