Home / Cayaaro / Willian oo qalinka ugu duugaya heshiis cusub Chelsea

Willian oo qalinka ugu duugaya heshiis cusub Chelsea

Himilo FM – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Willian heshiis cusub oo labo sanno ah, kaasoo ah mid ka soo horjeeda siyaasadda kooxda oo ah inay heshiiska u kordhin ciyaartoyda da’doodu ka weyn tahay 30 sanno.

Willian ayaa keliya saftay 54 kulan oo Blues xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu soo jeediyay in kooxda ku guuleystay  Europa League ay siinayaan kubadsameeyaha wax ka badan 12 billood oo dheeraad ah.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa u muuqata mid isbeddashay, kooxda ayaa rajeyneysa in laga mamnuuco inay ciyaartoy cusub soo iibsato labada suuq furan ee soo socda.

Sida laga soo xigtay Daily Star, kooxda Galbeedka London ayaa haatan ku farraxsan inay siiyaan Willian heshiis  ku eg dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-2021ka.

Wargeyska ayaa soo jeediyay in Callum Hudson-Odoi uu raaci karo si uu qandaraas shan sanno ah ugu saxiixo Chelsea.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan