Home / Cayaaro / Willian oo xaqiijiyay Mustaqbalkiisa halka uu yahay

Willian oo xaqiijiyay Mustaqbalkiisa halka uu yahay

Himilo- Willian ayaa sheegay inuu doonayo inuu kordhiyo waqtigiisa Chelsea isla markaana uu ku rajo weyn yahay in loo soo bandhigo qandaraas cusub.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa yimid Stamford Bridge xagaagii 2013 ka dib lix billood oo uu joogay kooxda reer Russia ee Anzhi Makhachkala, wuxuuna guulo badan ku soo qaatay London.

Sikastaba, 31 jirka ayaa haatan ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa haatan ee Chelsea, wuxuuna rajeynayaa inuu kusii nagaado dhammaadka ololahan.

“Dhinacayga, waxaan doonayaa inaan joogo,” ayuu Willian u sheegay the Evening Standard.

“Waxaa haray hal sanno, waxaana doonayaa inaan joogo maxaa yeelay waxaan jeclahay inaan u ciyaaro Chelsea. Waan jeclahay kooxdan, waxaan jeclahay inaan ku noolaado London qoyskeyguna halkaan waa ay ila jecelyihiin. Waxaan halkaan joogaa lix sano sidaa darteed wax walbaa waa ii qumman yihiin.”

Willian ayaa ku dhawaad ​​300 oo kulan u saftay tartamada oo dhan Blues, isagoo dhaliyay 52 gool isla markaana kula guuleystay labo horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo EFL Cup, iyo sidoo kale Europa League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan