Home / Habka-Nolosha / Wilshere: “Kama warwarayo mustaqbalkayga Arsenal.”

Wilshere: “Kama warwarayo mustaqbalkayga Arsenal.”

Muqdisho – Jack Wilshere ayaa sheegay inuusan ugu jirin degdeg xasilinta mustaqbalkiisa Arsenal oo ay diiraddiisu saaran tahay kaliya kulamada kooxda uu amaahda kula joogo ee Bournemouth.

Laacibka reer England ayaa ku naaloonaya kulamada joogtada ah ee uu u safanayo naadigiisa taniyo markii uu kaga yimid dhinaca Gunners-ka oo xilligii uu joogay ay hareeyeen dhaawacyo dhowr ah.

Heshiiskiisa ayaa ku eg sanadka 2018-ka hayeeshe wuxuu sheegtay inuusan wali u diyaargaroobin wada-hadallo uu ka sameeyo kordhinta heshiiskiisa.

“Kama warwaryo mustaqbalkayga Arsenal,” ayuu 25-jir ku yiri war ay soo xigatay Daily Mirror.

“Waxaan mooganahay naadigayga muddo sanad ah, marka uu dhamaado xagaaga ayaana ka fikiri doonaa waxa xiga ee aan ka sameyn karo mustaqbalkayga.”

“Waa inaad mar kasta diiradda saarataa waxa kaala gudboon shaqada ku hor taalla. Mana rabtid inaad meel ku dareento daal adiga oo heli kara inaad meel ku sameyso magac.”

Wilshere ayaa Bournemouth u saftay 22 kulan taniyo markii kaga yimid dhinaca Arsenal.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan