Home / Cayaaro / Wissam Ben Yedder oo qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Monaco

Wissam Ben Yedder oo qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Monaco

Himilo – AS Monaco ayaa la warinayaa inay dhameystiri doonto saxiixa Wissam Ben Yedder oo ay kala soo wareegeyso Sevilla ka dib markii ay ku dhaqaaqday bixinta qiimaha weeraryahanka  oo ah 37 Milyan Ginni.

Naadiga reer France ayaa billowgii soo bandhigtay dalab ku kacaya £ 18.5m oo lagu daray adeegga Rony Lopes kaa oo la soo diiday, waxayna tan iyo markaa ay la soo noqdeen heshiis lacag caddaan ah oo toos ah.

Ben Yedder, oo u dhaqaaqay Andalusia sannadkii 2016, ayaa awood weyn u ah Sevilla, isagoo dhaliyay 30 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, kooxda Monaco ayaa bixin doonta adduun dhan £ 37.1m  Ka dib markii ay oggolaatay inay ku  iibiso qiimaha qandaraaskiisa lagu bur burin karo.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in Manchester United, oo u lumisay weeraryahankeedii Romelu Lukaku  kooxda Inter Milan inay xiiseyneyso weeraryahanka.

Monaco ayaa durbadiiba suuqa kala iibsiga ka heshay  xiddiga garabka uga ciyaara Atletico Madrid Gelson Martin iyagoo ku kharash gareeyay 27 Milyan ginni si ay u helaan adeeggiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan