Home / Habka-Nolosha / Wojciech Szczesny oo si rasmi ah ugu biiray Juventus.

Wojciech Szczesny oo si rasmi ah ugu biiray Juventus.

Juventus ayaa dhamaystirtay saxiixa ciyaaryanka Wojciech Szczesny kaas o kaga soo biiray kooxda Arsenal ee ka dhisan dalka English-ka kuna soo qaatay €12.2million oo Euro.

Goolhayhaan heerka caalami ee reer Poland ayaa saxiixay hishiis afar sano ah isagoo kooxda Serie A  baaqi ku sii ahaan doona illa 2021-ka kadib markii uu ka gudbay  tijaabadii caafimaadka Talaadadii.

Szczesny ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku qarash gareeyay horyaalka talyaaniga ee Serie A isagoo qaab amaah ah ku joogay kooxda caasimada talyaaniga ka dhisan ee  Roma.

Wuxuu Arsenal kaga soo biiray laacibkaan kooxda Legia Warsaw isagoo sameeyay 181 soo muuqasho oo tartamada oo dhan ah kahor inta uusan kasoo duulin London uusanna usoo guurin Roma labo sano ka hor.

David Ospina iyo Petr Cech ayuu u waayay fursadda koobaad ee kooxda waawayn si lamid ah laacibkaan wuxuu ciqaab ku mutaystay kadib markii la helay sawiro muujinaya isagoo sigaar cabaya.

Wojciech Szczesny ayaa ku sugnaan doona Turin afarta sano ee soo aadan wuxuuna sanadka koobaad keyd u noqon doonaa goolhayaha sii gaboobaya ee Gianluigi Buffon.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan