Home / Cayaaro / Wolves oo ku biirtay tartanka loogu jiro daafac ay leedahay Mainz

Wolves oo ku biirtay tartanka loogu jiro daafac ay leedahay Mainz

Himilo – Wolverhampton Wanderers ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee lala xiriiriyo inay u dhaqaaqday xiddiga kooxda Mainz Jean-Phillipe Gbamin, sida ay sheegayaan wararka.

23 jirkan ayaa isbuucan ku soo laabtay tababarka kooxda Bundesliga ka dib markii uu xulkiisa Ivory Coast u saftay.

Wargeyska Jarmalka Bild ayaa soo wariyay in Wolves iyo Monaco ay ku biireen tartanka daafaca dhexe.

Gbamin ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League xagaagan, iyadoo wakiilkiisa Bernard Collignon uu daaha ka qaaday inay wadahadal la yeesheen tiro ka mid ah lixda koox ee ugu sarerysa horyaalka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Mainz uu kaga tagi doono inta u dhaxeysa € 30m – € 40m daafaca.

Wuxuu u saxiixay Mainz sannadkii 2016, waxaana uu heystaa seddex sanno oo heshiis ah oo uu saxiixay markii uu ka soo wareegay Lens.

Wolves ayaan weli keenin xiddig cusub marka laga reebo laba ammaah ay ku haysteen oo ay heshiisyo joogto ah kula wareegtay .

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan