Home / Macluumaad / Xaafadda ugu nadaafadda badan qaaradda Aasiya

Xaafadda ugu nadaafadda badan qaaradda Aasiya

Himilo – Badi magaalooyinka waaweyn ee dalka Hindiya waxay caan ku yihiin la dhinac jiifsiga qashinka iyo bulaacadaha, hayeeshe xaafadda Mawlynnong kuma jirto kuwaas.

Dadka xaafaddan uma hayaan dulqaad yar aragtida qashinka waxayna waqtigooda ku bixiyaan hubsashada in mitir kasta oo xaafadda kamid ah aysan wasaq lahayn.

Mawlynnong waxay markii ugu horreysay soo shaac-baxday sanadkii 2003-da, markii saxafi ka socda muddaalaha Discover Magazine uu sawirro ka qaaday. Maqalka warkaasi wuxuu keenay inay soo jiitaan indhaha dad badan oo dal-xiisayaal ku jiraan.

Carruurta ilaa da’da dhexe dhammaantood, waxay si wadajir ah isugu howlaan hufnaanta iyo nadaafadda xaafadda oo dad ku dhow 600 oo qoys ay ku nool yihiin.

Laga yaabee inay tani kuula dhawaaqdo ka badbadin iyo xayaysiis. Hayeeshe taasi waxaa kugu filan inaad ku ogaato heerka uu gaarsiisan yahay doonistooda la xiriirta noqoshada tusaalaha nadaafadeed ee adduunka. Sidaas darteed, si himilaas ay u hir-geliyaan, wadajir waxay isku howlaan ka mira-dhalinta yoolkaas.

Subax kasta, idilkood, xittaa carruurta – kahor inta aysan iskuullada aadin – waxay nadiifiyaan jidadka iyo waddooyinka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan