Himilo-Boqolaal qof ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen, halka kumannaan kalena ay la ildaranyihiin kadib markii uu ku dhacay cudurka daacuunka oo ka dillaacay Suudaan.
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Wasaaradda Caafimaadka ee Suudaan ee soo baxay ayaa muujinaya in tirada kiisaska daacuunka ay gaareen 24,604, oo ay ku jiraan 699 dhimasho ah, cudurkana uu ku faaftay 11 ka mid ah 18-ka gobol ee Suudaan.
Sida ku cad warbixinta, heerka cudurka ayaa sare u kacay gobollo ay ka mid yihiin Al-Jazeera, Sennar, iyo White Nile.
Wasaarada Caafimaadka ee Suudaan waxay sheegay inay isbitaalada dalka qaar ay wajahayaan Dawo iyo qalab yaraan taas oo sababtay faafitaanka xanuunnada. Masuuliyiinta caafimaadka ayaa faafitaanka cudurka daacuunka sidoo kale u sababaynaya tayo la’aanta qalabka lagula dagaallami lahaa cudurka.
Weerara kooxda RSF ay ka geysatay gobolka Al-Jazeera waxay boqolaal qoys ku qasbeen inay ka cararaan guryahooda iyagoo aan ogeyn halka ay aadayaan iyo xaalada ka jirta
Yaraanta adeegyada caafimaadka iyo nolol maalmeedka caadiga ah waxay sababtay in cudurka daacuunka uu si weyn ugu faafo.
Dhismayaasha Jaamacada New Halfa qeybta Kulliyadda Sayniska iyo Caafimaadka ayaa loo bedelay qolal lagu karantiilo dadka cudurka qaba laguna siiyo daryeel caafimaad.
In kasta oo dadaallada dawladda, oo ay matalayso Wasaaradda Caafimaadka, iyo kaalmooyinka deeq-bixiyaasha ay dadku ku tiirsanyihiin, haddana xaaladda dadka barakaca ah ayaa wili meel adag joogta.
“Xaaladda caafimaad ee halkan aad bay u liidataa, in ka badan 300 oo qof ayaa wadaaga saddex musqulood oo aad u yaryar,” ayuu yiri Cimaad al-Diin Maki, oo ah qof barakac ah oo ka yimid gobolka bariga Al-Jazeera.
Wasaaradda Caafimaadka Sudan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in daacuun uu ka dhilaacay dalkaa 12-kii Agoosto, 2024.