Home / Arrimaha Bulshada / Xaaskiisa ayuu dacweeyay markay diiday inay qeybsadaan kharash ay ku cunteeyeen!

Xaaskiisa ayuu dacweeyay markay diiday inay qeybsadaan kharash ay ku cunteeyeen!

Himilo FM –Nin aad u careysan ayaa wacay booliiska isaga oo ku dacweynaya xaaskiisa kaddib markii ay diiday inay kala qeybsadaan kharashka cunto ay cuneen.

Booliiska magaalada Sydney ayaa helay wicitaan uga yimid taleefanka xaaladaha deg degga ah ee tirsigiisu yahay 000 iyadoo uu soo wacay nin uu ka muuqday wareer badan kaasi oo sheegay inuu  ka doonayo xaaskiisa inay bixiso kala bar kharashka ay kaga cunteeyeen maqaayad Shiinaha leeyahay oo ku taalla Chatswood oo katirsan Sydney.

Saraakiisha booliiska ayaa soo gaaray goobta, waxayna u sheegeen ninka in taleefanka uu soo wacay loogu tala galay keliya arrimaha la xiriira xaaladaha deg degga ah gaar ahaan xaaladaha marka nolosha dad khatar ku jirto.

“ Booliiska ma ogga cidda markii danbe bixisay lacagta hartay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliiska deegaanka.

Sheekadan oo kale waxay ka dhacday Hubei oo katirsan dalka Shiinaha. Xiao Wang oo ah 29 jir ayaa jecleystay inuu wakhti la qaato gabar uu guursan lahaa.

Waxa uu ku casuumay qado hase ahaatee markii labaduba xaqiiqsadeen inaysan isfahmi Karin ayay gabadha u wacday asxaabteeda oo ka ag dhaweyd si ay ula qadeeyaan. Mr Xiao ayaa dalbaday qadada kaddib in kharashka la qeybsado, waxayna dhalisay arrintan muran xooggan illaa markii danbe gabadha Xiao Shu ay aqbashay in lacagta la qeybsado.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan