Home / Arrimaha Bulshada / Xamaas iyo Israel oo mar kale is dhaafsaday Maxaabiis

Xamaas iyo Israel oo mar kale is dhaafsaday Maxaabiis

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deysay saddex kale oo la haystayaal Israa’iiliyiin ah taasi oo qayb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo aan caga badan ku taagneyn, xitaa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sii wado inuu ka hadlo qorshihiisa la wareegista Marinka Gaza.

Waa markii shanaad oo ay is-dhaafsadaan tan iyo markii bishii hore ay dhaqan gashay xabbad joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas.

Eli Sharabi oo 52 jir ah iyo Ohad Ben Ami oo 56 jir ah ayaa labaduba laga qafaashay Kibbutz Beeri, halka Or Levy, oo 34 jir ah, laga soo qafaashay xafladdii muusiga ee Nova intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday gudaha Israa’iil 7-dii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii.

Dhankeeda, Israa’iil ayaa sii deynaysa 183 maxaabiis Falastiiniyiin ah.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan