Home / Macluumaad / Xamaas oo sii deysay 3 la heystayaal reer Israel ah

Xamaas oo sii deysay 3 la heystayaal reer Israel ah

Himilo-Gaadiidka hay’adda Laanqayrta Cas ayaa billaabay inay gudaha u galaan marinka Qasa, si ay u soo qaadaan 3 maxaabiista Israa’iiliyiinta oo dhammaantood haween ah oo ay Xamaas sii deynayso maalinta koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay billowday hannaanka ay ku sii deynayso 90 maxbuus Falastiini ah taas oo qayb ka ah heshiis is dhaafsiga maxaabiista.

Ugu yaraan 200 oo dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ayaa goobjoog u ahaa goobta lagu wareejiyay saddex maxbuus ee Israa’iiliyiin ah oo dhammaantood haween ah, kuwaasoo lagu wareejiyay hay’adda Laanqayrta Cas oo ku wareejin doonta Israa’iil. Boqollaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha oo ku yaalla koonfurta Qasa.

Wargeyska Israa’iil ee Hayom, ayaa ku warramay in Israa’iil ay sii deyn doonto 90 maxabiis Falastiiniyiin ah oo lagu beddelayo 3 Israa’iiliyiin ah oo ay Xamaas maanta sii deynayso— Falastiiniyiinta la sii deynayo 78 ka mid ah waxay aadi doonaan daanta galbeed halka 12 ka mid ah ay aadi doonaan bariga Qudus.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan