Xamas iyo Israa’iil oo ku dhow in inay heshiis gaaraan

Himilo-Waxaa Magaalada Dooxa ka socda dedaalladii ugu dambeeyay ee lagu saldhigayo xabbad-joojin la kala dhexdhigo Israa’iil oo weerar ku ah Dhulka Falastiin iyo Xamaas oo diidan in ay aqbasho damacaas dhul-ballaarsiga ah ee Yuhuudda dooneyso.

Dowladda Qatar ayaa dhexdhexaadineysa wadahadalkaan oo lasii saadaalinayo in uu ka duwanaan doonno midkii xadidnaa ee muddada kooban socday laguna guuldareystay in lasii waqti dheereeyo sabab la xiriirta dhinaca Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyhau ayaa sheegay in dhanka Israa’iil ay dirtay wafdi sare oo dhinaca Amniga ah kuwaas oo xog ogaal u ah Maxaabiista maqan, shuruudaha lagu dhaqangelin karo xabbad-joojinta & fulinta waxa lagu ballamo.

Dhanka Xamaas waxaa diyaar u ah wakiilo kala derajo duwan kuwaas oo fadhigoodu yahay Magaalada Dooxa, dhexdhexaadiyaasha ayaa markaan rajo weyn ka qaba in waqtiga la dheereeyo ama laga dhigo mid aan xadidnayn.

Israa’iil oo ka daashay daadinta dhiigga Dadka rayidka ah ee Falastiin iyo kan laga daadinayo ayaa aqbashay shuruudaha lagu wada hadli karo si loogu gacangeliyo maxaabiistii ay wax weliba u hurtay in ay soo furato balse ku guuldareysatay.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan