Home / Habka-Nolosha / Xan: Arsenal oo wada-hadal kula jirta Max Allegri.

Xan: Arsenal oo wada-hadal kula jirta Max Allegri.

Muqdisho – Warar xan hoose ah ayaa la helayaa oo ku aadan in kooxda Gunners-ka ee Arsenal ay wada-hadal kula jirto macalin kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ah ee Juventus, Max Allegri, marka loo eego warsidaha Sunday Express. 

Arsen Wenger oo heshiiska uu kula jiro kooxda uu dhici rabo ayaan wali saxiixin mid cusub – macalinka reer Talyaanina wuxuu u muuqdaa mid safka hore ugu jira baddalka Wenger dhamaadka xagaagan.

Arsenal ayaa hoos tiilay leyliga iyo tababarka macalin reer Faransa ee Wenger taniyo sanadkii 1996.

Ku dhawaad 20-sanadood oo uu joogay kooxda, in kasta oo uu guulo fiifiican la gaaray, hadana taageerayaasha qaar ayaa aaminsan inay Arsenal u baahan tahay hoggaan badala midka muddaba soo horboodaya ee Wenger.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan