Muqdisho – Waxaa jira warar xan hoose ah oo ku aadan in Manchester City ay adduun gaaraya 100G ku dooneyso laacibka Lionel Messi kaas oo taniyo xirfaddiisa kubadda cagta kusoo hana-qaaday kooxda ku ciyaarta gegida Camp Nou Stadium.
Hubaal la’aanta ku sugan mustaqbalkiisa ciyaareed ee gegida kooxda Barcelona awgeed, wiilka reer Argentine waxa ay diiraddiisa koobaad tahay macalin Pep Guardiola kaas oo mar soo leylilay naadiga Barca – xilligaasna la qaaday koobab iyo guulo muuqda.
Si kastaba, imaanshaha Messi ee horyaalka England PL, dad badan waxay la tahay in muuqaal cusub ku keeni doonto hab-ciyaareedka kooxaha loolamaya.