Home / Caafimaad / Xanuunka Covid-19 – Dhunkashadii Dhimashada sababtay!

Xanuunka Covid-19 – Dhunkashadii Dhimashada sababtay!

Himilo – Nin isku sheegay inuu dadka qaba xanuunnada kala duwan oo uu ku jiro Corona Virus uu kaga daweeyo kaliya isaga oo ka dhunkanaya gacanta, ayaa ugu danbeyntii u geeriyooday xanuunka Covid-19.

Ninkan oo lagu sheegay Aslam, wuxuu dadka raadatada ‘raaciyada’ u ah u sheegi jiray inay dhunkashadiisu ku filan tahay in looga kaco xanuunnada qaar sida midka hadda dunida aafeynaya ee Corona.

Si kastaba, bilowgii bishii hore, waxaa laga helay astaamaha xanuunka Covid-19. Waxaana uu ku ururay sariirta. In yar waxaa booqasho ugu yimid in badan oo kamid ah dadkii uu dhunkashadiisa uga dhigay inay kaga dawoobi doonaan xanuunka kuwaas oo goor hore laga helay astaamaha Corona Virus.

Kiisaskii goor hore oo waqtigaas kamid ah laga diiwaan-geliyay gobalka Asam waxaa lala xiriiriyay dhunkashadii uu ninkani dadka ku qaad-siin jiray. Qaar badan oo qoyskiisa kamid ah ayaa laga helay xanuunka.

Saraakiisha booliska Hindiya ayaa dhawaan shaaciyay inay jiraan 29 qof oo kale kuwaas oo dadka ku qaad-siinaya xanuunka iyaga oo ka dhunkanaya gacmaha.

Qaarkood ayaa qaab tahliil ah dadka u cabsiiya biyo ay ku tufeen candhuuftooda taas oo halis kale oo weyn ku ah dadaalka loogu jiro in looga hortago xanuunka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan