Home / Macluumaad / Xaqiiqooyin dhowr ah oo ku saabsan Kaneecada

Xaqiiqooyin dhowr ah oo ku saabsan Kaneecada

Himilo – Marka Eebe Qur’ankiisa ku tilmaamayo inuu tusaale dadka uga soo qaadanayo cayayaanka duula siiba Duqsiga, dadka Ilaahay qeyrkiisa caabuda – waxaa lagu cusleysiiyay inaanay abuuri karin Duqsi xittaa hadday iskugu tagaan – hadduu Duqsigu wax ka qaatana aysan awoodin inay kasoo dhigtaan.

Midaas marka aad usii fiirsato, waxaa guud ahaan kuusoo baxaya in –inaga ka Insaan ahaan—aan isku taagno sidii aan wax uga ogaan laheyn abuurkooda. Markaas waxaa noo soo baxaya inaan ku fikirno uumista Ilaahay –deedna aan galladiisa siinno.

Haddaba, RadioHimilo.so , halkan waxay idin kugula wadaagi doonta tiro dhowr xaqiiqood ah oo ku saabsan Kaneecada taas oo lagu sameeyey nolosheeda.

1. Kaneecada oo aan heshiis lala aheyn nolosheeda, waxaa dhacda in dad badan kohdaan maqalkeeda. Waxaa la sheegaa in Kaneecadu qofka ay dhoolla-tus ugu goodiso kahor intaysan qaniinin.

2. Intay wax qaniinayso waxay qofka jirkiisa ku deysaa sun uusan dareemin intay dhiigga ka nuugeyso—kaliya kol ay duushay ayuu qofka dareemaa xanuunkeeda.

3. Waxay qofka dhiiggiisa kasoo urin kartaa fogaan u jirta 60-km.

4. Waxay leedahay 72-ilkood.

5. Waxay leedahay wax ku dhow lixdan iyo dhowr indhood.

6. Kaneecadu waa noolaha ugu badan ee sababa dhimashada noolaha kale.

7. Kaliya midda dhedig ee Kaneecada ayaa qaniinta dadka iyo duunyada – midka lab wuxuu ku nool yahay manka iyo ubaxa.

8. Kaneecada qaar ma qaniinto dadka: waxay doorbidaan inay qaniinaan duusha iyo xamaaratada.

9. Waxay duuli kartaa xawaare u dhaxeeya 1-1.5 mile saacadiiba.

10. Waxay baalasheeda isku garaaci kartaa 300-600 jeer ilbiriqsigiiba.

11. Waxay aalaaba u baahan yihiin biyo si ay u tarmaan – iskugu tagaan.

12. Kaneecada weyn waxay noolaan kartaa 5-6 bilood.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan