Home / Caruurta / Xarun caafimaad oo loo heysto dacwad la xiriirta dhalashada mataano!

Xarun caafimaad oo loo heysto dacwad la xiriirta dhalashada mataano!

Himilo -Lamaane u dhashay Asia ayaa maxkamad ka dacweeyay xarun caafimaad oo ku taalla gobalka California sababo la xiriira mataano u dhashay oo aan u ekeyn.

Warbaahinta Mareykanka ayaa qortay in lamaanaha gudbiyeen dacwadda ka dhanka ah isbitaalka iyaga oo sheeganaya in mataanaha aysan u ekeyn carruur Asian ah.

Xarunta caafimaadka ayaa u sameysay waalidiinta nidaamka bacriminta casriga ah oo haweenayda ku qaaday uurka.

Qoyska ayaa sheegay inay muddo ku hamminayeen carruur islamarkaana ku bixiyeen kharash ka badan 100 kun oo doolar bacriminta casriga ah ee haweenka lagu talaalo.

Warbixinada ayaa tilmaamaya in lamaanaha ay dareemeen argagax iyo walwal badan markii ay xaqiiqsadeen in mataanaha aysan u ekeyn.

Goor sii horreysay ayaa loo sheegay qoyska inay u dhalan doonaan mataano lab ah, taasi oo aan dhicin, waana midda ku abuurtay qoyska shakiga badan.

Xarunta caafimaad ee ku taalla California ma aysan ka hadlin arrintan balse waxaa maxkamad ka taalla dacwad ay gudbiyeen qoyska reer Asia.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan