Xavi oo dhaliilay tirada xulalka ka qeyb galaya koobka adduunka Qatar

Himilo FM –Halyeyga Spain ahna safiirka koobka adduunka ee caalamka 2022 ee Xavi ayaa rumeysan in 48 xul oo ka ciyaaraya dhacdada koobka adduunka ee Qatar aysan noqon doonin mid wacan.

Sannadkii 2017, hay’adda kubadda cagta ee FIFA ayaa u codeysay in lagu kordhiyo 16 xul tartanka dhici doona 2026-ka  markaasi oo ay si wadajir ah u marti gelin doonaan dalalka United States, Canada and Mexico.

Dhacdada Qatar ayaa qabsoomi  doonta inta u dhaxeysa billaha November 21 and December 18 ee 2022-ka iyadoo ay ka qeyb galayaan 32 xul laakiin madaxweynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa gadaal ka riixaya in ballaarin lagu sameeyo.

Kulan ay guddiga FIFA ku yeesheen Miami Isniintii shalay, guddiga maamulka ayaa go’aamiyay in dib loo dhigo go’aanka ugu dambeeya ee ballaarinta.

Xavi oo sanaddii 2010-kii ku guuleystay koobka adduunka ayaa hadda u ciyaara kooxda horyaalka Qatar ka ciyaarta ee Al Sadd, wuxuuna aaminsan yahay wax ka badan 32 xul in ayna muhiim ku aheyn Qatar.

“Aragtideyda sawirka 48 xul ee Qatar ma noqon doonto mid wanaagsan.”

Waxa uu intaa raaciyay “Weli waxaa socda qorshaha laakiin Qatar hadda waxay isku diyaarineysaa 32 xul, way adkaan doontaa in lagu beddelo kooxo badan.”

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan