Home / Habka-Nolosha / Xhaka oo kooxdiisa uga digay guuldarro lama filaan ah kulanka FA Cup-ka

Xhaka oo kooxdiisa uga digay guuldarro lama filaan ah kulanka FA Cup-ka

Muqdisho – Laacibka Granit Xhaka ayaa ciyaartoyda ay isku naadiga yihiin uga digay inay si sahlan dhayal ugu qaataan kulanka afar-dhamaadka ah ee FA Cup-ka oo ay la yeelan doonaan kooxda Lincoln City – si buu yiri ay uga fogaadaan moral-jab kale.

Arsenal ayaa jeedaalinaysa inay kusoo laabato waddada guulaha kadib guul-darrooyinkii ay kala soo kulantay kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich, hayeeshe Xhaka ayaa qaba inaan hubaal loo qaadan guul laga gaaro kooxda ay kahor tagayaan Lincoln City.

“Waxaa jira walaac badan oo ku dhex jira tartamada horyaallada siiba koobka FA Cup-ka,” laacibkii hore ee Borussia Monchengladbach ayaa u sheegay warfidiyeenka.

“Waa inaynu ku foojigannahay dhamaadka ciyaarta oo aan xittaa hubaal u qaadan kahor gabagabada ciyaar kasta. Waayo wax kasta waxay isku badali karaan in yar.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan