Home / Caafimaad / Xiddig ka ciyaara Serie A oo ku rajo weyn in uu u dhaqaaqo Real Madrid

Xiddig ka ciyaara Serie A oo ku rajo weyn in uu u dhaqaaqo Real Madrid

Himilo- Xiddiga kooxda AC Milan Krzysztof Piatek ayaa sida muuqata Riyadiisu tahay  u dhaqaaqista Real Madrid mustaqbalka dhow, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xilligan, wuxuu sidoo kale bartilmaameed u yahay kooxda ka ciyaarta Premier League ee Chelsea.

Weeraryahanka kooxda AC Milan Krzysztof Piatek ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku biiro Real Madrid isla markaana wuxuu xitaa diyaar u yahay inuu noqdo dooqa labaad ee weerarka oo uu ka danbeeyo Karim Benzema kaas oo ah xulashada koobaad ee  garoonka Bernabeu..

Piatek ayaa dhaliyay 19 gool 21kiisii ​​kulan ee ugu horeysay ee uu u saftay Genoa ka hor inta uusan u dhaqaaqin Milan, halkaasoo uu ku dhameystay xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 11 gool 21 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

24-sano jirkan ayaa ku dhibtooday inuu sii joogteeyo xilli ciyaareedkan, si kastaba ha ahaatee, wuxuu maareeyay seddex gool 12 kulan oo uu saftay Serie A kooxdiisa.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, Piatek wuxuu ka qoomameynayaa inuusan ku biirin Madrid markii la siiyay fursadda Janaayo, weeraryahanka ayaa ku rajo weyn inuu helo fursad kale oo uu ugu dhaqaaqo Bernabeu.

Piatek ayaa xitaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo inuusan noqonin kooxda koowaad ee weerarka Naadiga reer Spain haddii ay la micno tahay inuu dhameystiray  riyadiisii ahayd ka mid noqoshada  kooxda Zinedine Zidane.

Luka Jovic ayaa laga soo iibsaday kooxda Eintracht Frankfurt xagaagii isaga oo doonayay in uu Benzema kula tartamo booska bilowga ah, laakiin 21 jirka ayaa kaliya hal gool dhaliyay 11 kulan oo uu u saftay Los Blancos xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan