Home / Cayaaro / Xiddig kooxda Ajax ah oo meesha ka saaray inuu dhaqaaqayo bisha Janaayo

Xiddig kooxda Ajax ah oo meesha ka saaray inuu dhaqaaqayo bisha Janaayo

Himilo- Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax Donny van de Beek ayaa shaaca ka qaaday inuusan u eegi doonin inuu hubsado inuu u wareego koox kale inta lagu jiro bisha Janaayo.

Kaddib markii uu ka caawiyay Ajax inay gaaraan semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore, Van de Beek waxaa si xooggan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Real Madrid ka hor suuq xiranka xagaaga ee 2-da September.

Kooxda reer Spain ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands, inkastoo 22 jirkani uu sheegay inuusan dooneynin inuu ka tago kooxdiisa haatan ka hor dhammaadka ololaha.

Van de Beek ayaa u sheegay Voetbal “Waxaan ku dhammeysan doonaa xilli ciyaareedka Ajax. Real Madrid, waa ay ogyihiin taasi. Ma jecli inaan beddasho kooxaha bartamaha xilli ciyaareedka.”

Kubadsameeyaha ayaa sii waday inuu saameyn fiican ku yeesho xilli ciyaareedkan, isagoo gacan ka geystay 7 gool 11 kulan uu saftay tartamada oo dhan.

About Mahad Mohamed

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan