Himilo- James Maddison ayaa soo jeediyay inuu dareemayo in gurigiisa oo kale tahay kooxda Leicester City, inkasta oo la isla dhexmarayo inuu ku biirayo kooxda Man United.
Xiddiga khadka dhexe ayaa saameyn weyn ku yeeshay King Power Stadium tan iyo markii uu u saxiixay Foxes sannadkii hore, isagoo ku biiriyay siddeed gool 42 kulan oo Premier League ah.
kulankii ugu dambeeyay Leicester ayaa guul 2-1 ah ka gaartay Tottenham Hotspur galabnimadii Sabtida, xiddigan ayaana dhaliyay mid ka mida goolashaasi, keliya waxaa sii kordhaya hadalada ku saabsan u dhaqaaqistiisa Old Trafford.
Si kastaba, kubadsameeyaha ayaa caddeeyay inuu ku faraxsan yahay kooxda ka dhisan East Midlands isagoo ka hadlay in qoyskiisa oo kale ku dareemayo kooxda.
Isaga oo ka jawaabaya su’aal uu weydiiyay Emile Heskey, 22 jirka ayaa yiri: “Kama hadli karo kooxdan si aad u fiican, fursadaha aad heshid iyo dhiiranaanta aad heshid, waxaan halkan joogay hal sanno laakiin waxaan dareemeyaa inaan halkan joogay afar ama shan sanno.”
Qandaraaska Maddison waxaa ka harsan afar sanno.