Home / Habka-Nolosha / Xiddiga Barcelona Dembele oo garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah

Xiddiga Barcelona Dembele oo garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah

Muqdisho – Isagoo seegay garoomada dhamaadkii 2017, isla markaana aan wali la qabsan naadiga, 20 jirkan reer France ayaa wajihi doona muddo kale oo uu ka maqnaan doono  cayaaraha.

Barcelona ayaa xaqiijisay in xiddiga garabka ka ciyaara ee reer France Ousmane Dembele uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah isaga oo ku maqnan doona dhaawac muruqa ah.

Ciyaar-yahankan garabka ka ciyaara ayaa Borussia Dortmund looga soo iibiyey 105 milyan oo Euro xagaagii soo xirmay, hayeeshee dheemankan yar ayaa ku dhibaatoonaya dhaawcyo xilli ciyaareedkan, iyadoo Barca ay ku adkeysaneyso in dhibaatadani ay tahay dhaawac muruqa ah oo uu qabo hana-qaadkan.

Dembele, ayaa ciyaaray kaliya afar kulan oo horyaalka ah isagoo keydka kasoo kacay kulankii ugu danbeeyay isla markaana badelay Paulinho ciyaarta oo ay ka harsantahay 25 diqiiqo.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay hogaamiyaasha La Liga ayaa lagu yir, “Dembele ayaa dhibaato ka qaba muruqa lugtiisa bidix, waxaana lagu sii daray “taasoo la micno ah inuu maqnaan doono muddo seddex ilaa afar toddobaad ah.

20-sano jirkan, ayaa keliya todobo kulan u saftay kooxda ka dhisan Camp Nou, wadar ahaan 243 daqiiqo ayuu u ciyaaray naadiga, intii lagu guda jiray xilagaas wax gool ah uma uusan dhalin kooxda hayeeshee wuxuu caawiye ka noqday labo gool.

W/Q: Abdi Aziz Adan Urur.
Cabdicaziiz149@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan