Home / Cayaaro / Xiddigee ayuu booska PSG ka beddalayaa Adam Lallana?

Xiddigee ayuu booska PSG ka beddalayaa Adam Lallana?

Himilo- Paris Saint-Germain ayaa danaynaysa saxiixa weeraryahanka Liverpool Adam Lallana.

31-sano jirka ayaa in ka badan 160 kulan u saftay Reds tan iyo markii uu ka yimid kooxda Southampton laakiin dhaawacyada ayaa ka dhigay mid halgan joogto ah u galaya xilli ciyaareedyadii u dambeeyay.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa saftay kaliya 30 kulan oo Premier League labadii xilli ciyaareed ee u dambeysay, halka uu kaliya hal  ciyaar ku soo bilowday xagaagan.

Qandaraaska haatan ee Lallana  Anfield ayaa dhacaya xagaaga soo aadan, sida laga soo xigtay The Mirror, PSG ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo kabtankii hore ee Southampton iyagoo isku diyaarinaya bedelka Edinson Cavani.

Laacibka reer Uruguay, oo ah gooldhaliyaha abid ugu goolasha badan kooxda PSG, ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis la gaarey Los Angeles Galaxy si uu ugu bedelo Zlatan Ibrahimovic.

Lallana ayaa dhaliyay hal gool sideed kulan oo uu u saftay kooxda Jurgen Klopp xilli ciyaareedkan laakiin weli ma uusan ciyaarin daqiiqad ka mid ah kubada cagta Champions League intii lagu gudajiro xilli ciyaareedkan 2019-20.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan