Home / Caruurta / Xiddigta 6 sanno jirka ee Youtube oo loo iibiyay guri ku kacaya $8 Milyan

Xiddigta 6 sanno jirka ee Youtube oo loo iibiyay guri ku kacaya $8 Milyan

Himilo – Qoyska gabar 6 jir ah oo xiddig ka ah Youtube-ka ayaa guri ka iibsaday mid kamid ah deegaanada ugu qaalisan magaalada caasimadda ah ee Seoul.

Sida laga soo xigtay Maeil Business Newspaper, qoyska oo leh labo kanaal oo Youtube ah islamarkaana ay ka soo muuqato gabadhooda Boram ayaa iibsaday dhismo ka kooban shan dabaq oo ku kacaya qiimo dhan 8 Milyan oo doolar.

Wargeyska ayaa qoray in dhismaha uu ku yaallo meel ku dhaw xarunta gaadiidka Gangnam-gu ee magaalada Seoul.

Marka la eego xoggaha boggaga ka faallooda Youtube-ka, labada kanaal ee gabadha Boram ayaa leh saamiga faa’iido ee ugu badan suuqa kanaalada Youtube-ka Korea.

Faa’iido lacageed oo dhan 3.1 Milyan oo doolar ayaa ka soo xaroota bil kasta labada kanaal oo ay ka soo muuqato gabadha yar sida ay sheegeen khubarada.

Kanaalka ToysReview oo sameeyay shacbiyad weyn ayaa waxaa ku xeran 13.6 Milyan oo qofood halka kanaalka kale ee Boram Tube Vlog ay la socdaan 17.5 Milyan qofood.

Gabadha ayaa kanaalada ku soo bandhigta ugana faalloota qalabka iyo alaabta carruurta ku ciyaaraan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan