Home / Cayaaro / Xiddigii hore xulka Ghana Junior Agogo oo geeriyooday

Xiddigii hore xulka Ghana Junior Agogo oo geeriyooday

Himilo- Weeraryahankii hore ee Ghana, Nottingham Forest iyo Bristol Rovers Junior Agogo ayaa ku dhintey da’da 40-ka sano.

Agogo, wuxuu Xirfadiisa ka bilaabay Sheffield Wednesday, wuxuu u ciyaaray dalkiisa 27 jeer wuxuuna dhaliyay 12 gool.

Junior wuxuu ku riyaaqay xirfadiisii ugu fiicnaa ee mustaqbalkiisa kooxda Nottingham Forest intii u dhaxeysay 2006 iyo 2008, isagoo u dhaliyay 20 gool.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay ciyaarida kubada cagta Hibernian 2012-kii isagoo sidoo kale waqti ku soo qaatay Mareykanka, Qubrus iyo Masar.

Agogo waxaa ku dhacay xanuunka Shalalka isagoo isbitaal la dhigay sanadihii 2014 iyo 2015.

Xidiga ayaa lagu xasuusan doonaa bandhigiisii Koobka Qaramada Afrika ee 2008, wuxuu dhaliyay goolkii guusha ee xulka Ghana ee quarter-finalka ay la ciyaareen Nigeria wuxuuna qeyb muhiim ah ka ahaa guushoodii kaalinta seddexaad.
Kadib markii uu ka Fariistay Ciyaaraha , Agogo wuxuu shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu furo makhaayad u gaar ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan