Home / Macluumaad / xijaabka oo maalin caalami ah loo sameeyay.

xijaabka oo maalin caalami ah loo sameeyay.

Maalinta Caalamiga ee Xijaabka waa dhacdo sanadle ah oo maskaxdeeda ay ka timid Nazma Khan sanadkii 2013-ka. Munaasabadda ayaa la qabtaa kowda bisha febraayo sanad kasta. Waxaana laga  xusaa 140 dal oo dunida kamid ah. Ujeedka maalintan waa dhiirri-gelinta haweenka kala diimaha iyo taariikhda leh inay xirtaan ama bartaan Xijaabka. Abaabulayaasha dhacdadan waxay ku qeexaan fursad dadka aan Muslimiinta ahayn lagula wadaagayo Xijaabka – si ay maalintaas u xirtaan.

Dhowr dal oo dunida Muslimka kamid ah ayaa laga xusaa. Waxaana xusid mudan in jaalliyadaha Muslimiinta ku nool dunida Galbeedka ay sidoo kale Maalinta u dabaal-degaan. Inta lagu guda-jiro munaasabadda Maalintan, haweenka aan Muslimiinta ahayn ayaa loogu yeeraa inay hal mar xirtaan Xijaabka.

Hayeeshe, in badan ayaa dhiirri-geliya Maalinta Caalamiga ah ee Xijaabka. Muftiga weyn Ismaaciil Menk ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid waqtigii loo baahnaa ku timid – xilli ayuu yiri, dalal badan ay mamnuucayaan Xijaabka: kuwa kalana ay ku tala-jiraan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha UK, Teresa May ayaa barlamaanka dalkeeda kahor sheegtay inay ku raacsan tahay in Maalinta Caalamiga ee Xijaabka loo dabaal-dego mar la weydiiyay faalladeeda ku aadan xuska Maalintan.

Islaamka ayaa xirashada Xijaabka u arka hab-labiseed sharci ah: mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid. Waana aragtidan iyo kuwa lamidka ah oo dadka aan Muslimiinta ahayn ka heystaan Xijaabka oo qaarkood moodayaan inuu yahay mid ragga Muslimiinta ah ay ku qasbaan haweenkooda.

Faham-darrida reer Galbeed badan ka heystaan Islaamka, noqoshada muslim ku dhex nool dunidan oo kale waa waaya’aragnimo xanuun badan. Islaam-naceybka ama Islamophobia wuxuu ku jiraa heerkii ugu sarreeyey. Haweenkuna waa dhibahana koobaad. Maadaama ay, caadiyan inta badan laga fahmi karo muuqaalka kore, la yaab malahan inay maalinle ula kulmaan naceyb joogto ah.

Sidaas darteed, in la garowsado sida tallaabadan oo kale ay qeyb uga qaadan karto is-dhex-galka iyo la dhaqanka umadaha kale, waxay ugu yaraan sees u tahay fahamka xikmadda Rabaaniga ee fidinta Dacwada Islaamka. Waayo 60% dadka oo Muslimiinta ah waxaa u badan haween.

Wadama badan oo muslimiin ah xijaabku waxa uu ka yahay qasab oo gabadhii ka takta lagu ciqaabo sida: Iran iyo Sacuudiga, halka wadama badan oo muslimiin ah gabadhu ey xur u tahay labiskii ey doorato.

Qore: Mahad Maxamed Cali

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan