Home / Dalka / Xirfadle inkabadan 20 sano si bilaash ah kutubta ugu sameeya dan yarta.

Xirfadle inkabadan 20 sano si bilaash ah kutubta ugu sameeya dan yarta.

Himilo – Jaylaani hussen oo xirfadan ku guda jira in kabadan 20 sano, marka uu arkay dayaca heesta kutubta diiniga ah oo uu ugu horreeyo kitaabka quraanka kariimka ah ayuu go’aan ku gaaray inuu dib u habeeyo isagoo inta badan si bilaash ah ugu sameeya macamiishiisa oo kamid ah dadka xerta ah ee masaajida diinta ka barta.

Abdirizaaq sheih omar waa mid kamid ah macaamiisha halka u yimaada in loo hagaajiyo kutubta,wuxuu inoo sheegay in 7 sano ku dhawaad loo sameenayo hadba kitaabka ka halaaba, isagona tilmaamay in xirfadlahan u baahan yahay garab istaag.

Omar Mohamed waa arday dhigta dugsiga sare wuxuu dhankiisa inoo sheegay in buug walba oo ka halaabo uu halkan keeno loona sameeyo, iyadoo xiliyada qaarna si bilaash ah loogu sameeyo.

Jaylaani Huseen sida uu inoo sheegay shaqadan waxa uu xoogeeda bilaabay xiligii dagaalada, isagoo tilmaamay in nolosha qoyskiisa uu kamaareeyo xirfadan.

Inaad noloshaada iyo tan qoyskaada aad kamarayso xirfad yar oo aad baratay waa mid kutusinaysa in xirfadu tahay hanta aad meeshaad doonto latagi karto.

 

 

Halkan ka daawo 

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/840414047874632

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan