Mucaashaqiinta Kubadda Cagta Sucuudiga ayaa sugaya in horyaalka dalkooda uu noqdo mid xiisa leh kaddib ku biiritaanta Ronaldo iyo qorshaha hadda socda ee Horyaalkaas lagu geynayo Messi.
Xiriirka Kubadda Cagta Sucuudiga ayaa wada qorshe mar kale lagu mideynayo labada xiddig ee ugu laacibsan kubadda Cagta ee xilligan.
Ronaldo ayaa horay ugu biiray kooxda Al Nassar,waxaana kulan saaxiibtinimo ay la ciyaareen PSG oo uu ka tirsanyahay Messi 19kii Jan 2023.
Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa xoogeystay qorshaha Horyaalka Sucuudiga lagu geynayo Messi oo hadda ka tirsan PSG.
Waxaa ay wararku sheegayaan in saraakiil ka mid ah FA-ga Sucuudiga ay la kulmeen Messi si uusan u cusbooneysiin heshiiska PSG iyaga oo u sheegay in uu noqonayo laacibka ugu lacagta badan kubadda Cagta.
Inkasta oo Messi uusan caddeyn mowqifkiisa haddana waxaa uu hormuud u yahay xiddigo laga doonayo Sucuudiga oo uu ka midyahay Eden Hazard.