Himilo – Waxaa dhamaaday bishii barakeysaneyd ee ramadaan. Waxaa la soo gunaanaday maalmo afxirnaan waajib ah oo la gudanayay.
Cunistii, cabbidii iyo gogoshii laga soomanaa maalinkii ayay dadku dib u billaabaan marka ay ildeystaan bisha Soon-qaad.
Culimada ayaa ku taliya in qofka uusan ka tagin soomidda balse oo uu sii wado soon sunne ah oo uu la yimaado bishiiba maalmo ka mid ah.
Si gaar ah bisha soon-fureed waxa la xoojiyaa in la soomo lix maalin oo ka mid ah (sunne waaye soonkan ). Qofka ayaa isku xijin kara ama kala duwi kara maalmaha.
Qofka sooma lixda maalin ee bisha soonfureed, wuxuu la mid ah yahay qofka soomay sanad dhan, sida sunnada islaamka ku cad.
Dadka lagu leeyahay soon waajib ah, culimada ayaa sheega inay wanaagsan tahay inay qallaha hor mariyaan haddii ay wakhti u haystaan.