Home / Macluumaad / Xog ku saabsan xasuuqii Khojaly ee Armenia

Xog ku saabsan xasuuqii Khojaly ee Armenia

Himilo FM –Waxay ahayd 27 sanno kahor maanta oo kale markii 613 qofood lagu dilay magaalada Khojaly oo katirsan gobalka Upper Karabakh ee dalka Armenia.

Dadka rayidka ahaa waxaa si arxan darro ah u laayay ciidamada Armenia sida laga soo xigtay saraakiil dhowr ah.

Ku dhawaad, 106 kamid ah dadka la dilay waxay ahaayeen haween halka in badan oo kale ahaayeen carruur. Baaritaano la sameeyay dhacdada kaddib ayaa cadeeyay in keliya dhibanayaasha aan la dilin balse la jirdilay iyadoo loola dhaqmay si ka baxsan bini’aadanimada.

Sida laga soo xigtay warbixinno ay qoreen saxafiyiin oo joogay gobalka xilligaasi waxay muujiyeen in jirka dadka ka muuqday jirdil xooggan. Hay’ada xuquuqda aadanaha HRW ayaa ku tilmaamtay dhacdada “Xasuuq.”

Asalka taariikheed ee muranka Azerbaijan iyo Armenia ee gobalka  Nagorno-Karabakh oo ahaa mid madax bannaan xilligaasi ayaa u laabanaya sannadkii 1988-dii.

Wakhtigaasi, dadka reer Armenia ee deggan gobalka ayaa dalbanayay inay ka go’aan Azerbaijan islamarkaana ku biiraan Armenia.

Inkastoo Azerbaijan ka soo horjeesatay haddana golaha magaalada ayaa ku dhawaaqay inay noqdeen qeyb kamid ah Armenia. Maamulka Karabakh ayaa kaddib qabsaday afti madax bannaani ah. Illaa iyo immika natiijada aftidaasi, gobalka ayaa ku dhawaaqay madax bannaani 6-dii bishii Janaayo ee sannadkii 1992.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan