Labadan dhinac waxa ay ku naaloonayaan guulo waa weyn oo ay gaareen todobaadkii tagay,xulka France waxa ay ka badiyeen xulka Bulgaria,sidoo kale Netherland ayaa 4-1 ku dhuftay Belarus.
Tartanka Kooxahan ay ku jiraan Sweden, Dutch iyo French waxa ay ogyihiin in midkooba uu la ciyaari doono kooxo aysan ogeyn oo ku jira Guruubka A.
Waxa ay isku diyaarin doonaan iney tartamaan ciyaaraha Koobka Aduunka ee lagu qaban doono Dalka Ruushka sanadka 2018.
Sidoo kale waxaa caawa is arki doona xulalka Sweden iyo Bulgaria oo isbuucii na dhaafay ciyaaro laga badiyey.
waxaa isha lala raacaya kulamada dhex maraya kooxahan ku jira guruubka A ee kala Belarus,Luxembourg,Netherlands ,France,Sweden iyo Bulgaria.