Himilo – Xulka gobalka Nugaal ayaa markii saddexaad ku guuleystay tartanka kubadda cagta goballada Puntland, kadib markii Riigoorayaal uga adkaadeen dhigooda gobalka Mudug.
Ciyaaraha gobolada Puntland ayaa socdey 18 maalmood waxaa ka qaybgalay 8 gobol oo kala ah:
Bari, Raas-casayr, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Nugaal, Mudug, Cayn.
Ciyaarta kama danbeysta waxaa isugu soo harey xulka kubadda cagta ee gobolka Mudug oo martigeliyey koobkan iyo xulka kubadda cagta ee gobolka Nugaal
Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u adag oo labada kooxood ay aad u adkeeyeen difaacooda, taas oo keentey in ciyaarto ku dhamaato barbaro.
Gobolka Nugaal ayaa ku guuleystey rigoorayaal, kadib marki gobolka Mudug ka faa’ideysan waayey furasadoodi.
Ciyaarahan ayaa ahaa kuwo xamaasad lahaa waxaana magaalada Gaalkacyo buux dhaafiyey taageerayaasha iyo dhaliyaro badan oo isaga yimid gobolada kala duwan ee Puntland.
Sanadkii 2014 ayaa goolka Nugaal ugu danbeysey guul ay ka gaaraan ciyaaraha gobolada, sanadkii 2020 waxay soo gaareen Finalka waxaase ku guuleystey gobolka Haylaan.