Xulka Jubbaland oo guushii ugu horeysay ee tartanka ka gaaray dhigooda Hirshabeelle

Kulan aad u xiiso badnaa, isla markaana qeyb ka ah Tartanka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo ay u soo daawasho tageen kumanaan taageerayaal ah, ayaa waxa uu Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ku dhex-maray Xulalka Kubadda Cagta ee Jubbaland iyo Hirshabelle.

Cayaartooyda labada xul ayaa soo bandhigay cayar aad u xiiso badan oo ku dhisneyd weerar iyo weerar celis

Cayaarta u dhexeysay Xulalka Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa waxa ay guushu 2-0 ku raacday xulka Jubbaland oo qeybtii horeba ee ciyaarta la yimid labada gool ee ay ku badiyeen.

Xulka Jubbaland oo galabta helay saddexdii dhibcood ee ugu horeeyey ayaa kulanka u harsan la ciyaari doona Xulka gobolka Banaadir kaas oo haddii ay badiyaan rajo u yeeli doona inay u gudbaan wareegga xiga ee tartanka.

 

 

error: Copy lama Ogola Fadlan