Home / Cayaaro / Xulka Netherlands Oo Garaacay Xulka Turkey Iskana Xaadiriyay Semi-final-ka Euro 2024.

Xulka Netherlands Oo Garaacay Xulka Turkey Iskana Xaadiriyay Semi-final-ka Euro 2024.

Himilo – Xulka Netherlands ayaa guul soo laaasho leh ka gaadhay xulka Turkey iyaga oo iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka euro 2024.

Xulka Turkey ayaa si dar-dr leh ku bilowday cyaarta iyaga oo ka fiicnaa xulka Netherlands.

Daqiiqadii 35-aad ayuu xulka Turkey dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Samet Akaydin kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Netherlands ayaa bilaabay in ay ciyaarta ku soo laabtaan iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 70-aad ayuu xulka Netherlands dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Stefan de Vrij kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xulka Turkey ayaa daqiiqadii 76-aad si khaldan isaga dhaliyay goolka 2-aad isaga oo hogaanka u dhiibay xulka Turkey.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Turkey iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka euro 2024.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan