Home / Cayaaro / Xulkii qaranka ee wacnaa oo dirqi looga adkaaday

Xulkii qaranka ee wacnaa oo dirqi looga adkaaday

Himilo –Ciyaar lugta labaad oo ka tirsan isreebreebka koobka adduunka ayaa dhex martay qarramada Somalia iyo Zimbabwe kulan ka dhacay caasimadda Harare ee dalka Zimbabwe.

Xiddigaha Badweynta ayaa kulanka ku hoggaaminayey 1-0, kaddib markii ay soo badiyeen ciyaartii ka dhacday dalka Jabuuti, gool uu dhaliyey Anwar Shakunda ayeyna ku ahaayeen hoggaamiyaasha kahor ciyaartan.

Kulankii galabta oo ahaa kan labaad ayaa qeybta koowaad lagu kala nastay 0-0, dhanka kalana marka loo eego hal gool ay gacanta ku heysteen xiddigaha Soomaalida.

Balse markii dib la isugu soo laabtay labada qaran ayaa garoonka lasoo galay dardar midba midda kale maanka ku heyso inay macno weyn ka sameyn karaan garoonka.

Isbeddelo badan uu sameeyay tababaraha qaran ee Soomaaliya ayaa keentay inay duulaan soo qaadan xulka martida loo ahaa, taasi oo sababtay  in daqiiqaddii 77aad gool laga dhaliyo xulkeenna.

Balse daqiiqaddii 85aad  ayuu jawiga Soomaalida meel waliba ay dunida ka joogaanba uu is beddelay kaddib markii uu goolka barbaraha dhaliyey gureylaha sida qurxoon u ciyaara kubadda ee Cumar Maxamed, ciyaartuna waxay noqotay 1-1.

Gabagabadii kulanka xulkii wacnaa ayaa laba gool oo kale laga dhaliyey taasi oo ciyaarta ka dhigtay natiijo 3-1, dhanka kalena wadar ahaan isu beddeshay 3-2.

Guud ahaan kulankii u dhaxeeyay xiddigaha Badweynta iyo Zimbabwe ayaa kusoo dhammaaday  3-2 oo ay guusha raacday xulka martida kulankan loo ahaa.

In Soomaalida ay heerkaan soo gaarto isla markaana kulan ay guuleysato iyada oo aan shabaqeeda la taaban kulanka kalena gool dhaliso waxay bahweynta ciyaaraha gorfeysa iyo warbaahinta caalamka ku micneeyeen kuwii wacnaa berisamaadka oo dib usoo laabtay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan