Home / Arrimaha Bulshada / Yaa ku wanaagsan aqoonsiga khiyaanada rag iyo dumar?

Yaa ku wanaagsan aqoonsiga khiyaanada rag iyo dumar?

Himilo FM –Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in haweenka suuragal u tahay inay aqoonsadaan ragga khiyaanada la saaxiibka ah iyagoo keliya eegaya wajiyadooda halka aysan ragga laheyn awood ay ku garan karaan khiyaanada dumarka.

Baaritaanka oo ay sameeyeen khubaro katirsan jaamacadda Eastern Australia ayaa waxa ka qeyb galay 1500 qofood oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasi oo da’dooda u dhaxayso 18 illaa 75 jir.

Dadka ka qeybgalay daraasadda ayaa loo bandhigay sawirrada 189 qofood si ay u sheegaan kuwa xambaarsan dareenka khiyaanada iyo kuwa kale.

Ragga iyo dumarka laga qaaday sawirrada ayaa laga diiwaan geliyay inta jeer oo ay khiyaano ku sameeyeen asxaabtooda.

Khubarada diyaariyay baaritaanka ayaa xusay in natiijadda awoodda aqoonsiga khiyaanada noqotay mid kedis ah.

Ugu danbeyn, baaritaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in ragga looga wanaagsan yahay aqoonsiga khiyaanada xaalad kasta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan