Home / Arrimaha Bulshada / Yaa u horreeya shaah cabista caalamka oo dhan?

Yaa u horreeya shaah cabista caalamka oo dhan?

Himilo FM – Dadka Turkida ayaa noqday dadka ugu shaah cabista badan caalamka sida lagu sheegay xog cusub oo ku saabsan shaaha iyo sida shucuubta dunida ugu tiirsan yihiin.

Waxaa lagu xusay xogta in qofka Turkiga ah inuu cabbo 1300 koob oo shaah ah sanadkii, waxayna taasi ka dhigtay shacabka dalkaasi dadka ugu shaah cabista badan caalamka oo dhan.

Sardar Arshahin oo ah madaxa maqaayadaha laga shaaheeyo ee dalka Turkiga ayaa sheegay in shaah cabista kororto marka uu kuleylka hoos u dhaco.

“Turkida aad ayay u isticmaalaan shaaha, qofka waxa uu cabbaa celcelis dhan 3 illaa 5 koob maalintii,” ayuu Sardar u sheegay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Waxa uu intaa raaciyay in qabowga darran e jira xilligan inuu sarro u qaadayo ascaarta shaaha oo Turkida u diyaariyaan si ka duwan bulshooyinka kale ee caalamka.

Dalka Turkiga, shaaha waxa uu kaalin wanaagsan ku leeyahay xiriirka bulshadda, waxaa fadhiga lagu siiyaa martida iyo goobaha shaqada oo uu caan ka yahay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan