Himilo – Guddiga qaranka caafimaadka Shiinaha ayaa daaha ka qaaday in seddex meelood meel dadka u dhintay caabuqa Corona yihiin ragga sida uu qoray wargeyska Izvestia.
Khubarada caafimaadka ayaa la xiriiriyay arrintan sababo kala duwan sida in rag badan cabbaan sigaarka iyada oo taasi keenaysa in caabuqa uu si weyn ugu faafo sambabaha. Waxaa kale oo jirta sabab dhaxaltooyo oo lala xiriirin karo dadka qaar.
Madaxa qeybta cudurrada ee isbitaal ku yaalla Ruushka ayaa sheegay in ragga ka soo jeeda Shiinaha yihiin kuwa ka dhaqdhaqaaq badan haweenka, taasi oo ka dhigeysa kuwa nugul.
Galina Kujevnikova oo ku taqasustay cudurrada faafa ayaa xustay inay jiraan caabuqyo ragga kaga nugul yihiin haweenka.
Goor sii horreysay, wasaaradda caafimaadka Ruushka ayaa sheegtay in caabuqa Corona ee ka dillaacay Shiinaha uu khatar ku yahay ragga da’dooda u dhaxayso 35 illaa 50 iyada oo aan la eegeyn isirkooda iyo xaaladooda bulsho.
Maamulka gobalka Hubei ee Shiinaha ayaa tilmaamay in tirada dadka u dhintay caabuqa gaartay 1380 qofood sida ku xusan tirakoobyadii ugu danbeeyay.