Home / Arrimaha Bulshada / Yaa u sharraxan rikoorka qofka ugu da’da weyn caalamka?

Yaa u sharraxan rikoorka qofka ugu da’da weyn caalamka?

Himilo – Bob Weighton oo 111 jir ah ayaa la filayaa in uu noqdo qofka ugu da’da weyn caalamka sida laga soo xigtay hay’adda Guinness World Records.

Afhayeen u hadlay hay’adda diiwaan gelisa rikoorada ayaa sheegay in Weighton la guddoonsiin doono shahaado caddeynaysa in uu yahay qofka ugu da’da weyn dunida kaddib markii uu dhintay Chitetsu Watanabe oo ahaa ninka heystay rikoorkan caalamiga ah.

Bob Weighton oo u dhashay Ingiriiska ayaa xusay in uusan ku fekerin in uu codsado rikoorkan islamarkaana uusan ku bixin dadaal. Goor sii horreysay, 111 jirka ayaa noqday qofka ugu da’da weyn dalka Ingiriiska.

“ Wax dadaal ah kuma aanan bixin in aan soo gaaro da’dan, waxaan isku arkaa qof kamid ah dadka farraxsan,” ayuu yiri Bob Weighton.

Dhowr maalin kahor ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay Chitetsu Watanabe oo ahaa ninka ugu da’da weyn caalamka.

Ninka reer Jabaan ayaa la filayay in uu noqdo 113 jir marka la gaaro bishan Maarso, waxaana la guddoonsiiyay shahaado caddeynaysa in uu jiro 112 sanno iyo 344 maalin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan