Home / Macluumaad / Yakutsk: Magaalada ugu qabowga badan caalamka

Yakutsk: Magaalada ugu qabowga badan caalamka

Himilo- Inta badan dalka Ruushka waa qabow laakiin waxaa jirta magaalo qaadatay rikoorka qabowga ugu badan caalamka.

Yakutsk waa magaalo ku taalla bariga fog ee Ruushka, wax badan kama foga cirifka waqooyi. Waxaa laga diiwaan geliyay qabowgii ugu darnaa dunida oo dhan.

Qabowga magaalada ayaa u dhaxeeya minus 38 illaa 42 Fahrenheit sida ku xusan warbixinno warbaahineed.

Xaaladaha cimilada Yakutsk ayaa saameyn ku yeeshay hab-nololeedka dadka magaalada. Nin u dhashay Switzerland oo ah sawir qaade ayaa sheegay in aan bannaanka looga bixi karin guryaha sabab ku qotonta qabowga jira.

Si kasta, nolosha magaalada way socotaa. Maamulka magaalada ayaa fasaxay fasalada waxbarashada 1aad illaa 5aad.

Dadka qaar ayaaba ka adkaaday qabowga markii ay bilaabeen inay jadwal u sameysteen dabaasha oo ay xiiseeyaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan