Home / Dhaqaale / Youtube oo mamnuucaya muuqaalada marka la duubayo khatar lagu galo

Youtube oo mamnuucaya muuqaalada marka la duubayo khatar lagu galo

Himilo FM – Youtube ayaa joojinaya muuqaalada khatarta leh ee dadka soo duubaan gaar ahaan kuwa loo yaqaan “Pranks” ee lagu baahiyo shabakadda.

Tallaabadan waxay imaaneysaa iyadoo laga jawaabayo waxa loogu yeeray xujooyinka dadka sameeyaan kuwaasi oo dhowr jeer ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Shabakadda muuqaalada oo ay leedahay Google ayaa shaacisay in muuqaalada dadka soo sameeyaan iyaga oo khatar naftooda gelinaya inaysan wax boos ah ku laheyn Youtube.

Si kasta, waxay shirkadda u muuqataa inay ku guuldareysatay in sharciyadeeda wax ka qabtaan dhammaan muuqaalada waxyeelada leh ee ku jira keydka shabakadda.

Warbixin ay soo saartay Buzzfeed ayaa lagu sheegay in sawirrada iyo muuqaalada muujinaya wax u muuqda cadowtinimo inay wali ka soo muuqdaan Youtube-ka iyadoo sharci laga dejiyay.

Muuqaalada qaar ayaa soo jiitay malaayiin qofood oo daawaday. Waxay Youtube tilmaameysaa inay si adag uga shaqeynayso sidii meesha looga saari lahaa dhammaan muuqaalada muujinaya xad gudub.

“ Waxaan leenahay siyaasado hubinaya waxa noqon kara kaftan ama xujo ee aan soo dhaafin khadka cas,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Youtube-ka.

Wixii immika ka danbeeya, Youtube ma oggolaan doono in la soo geliyo muuqaalo muujinaya in qofka khatar ku gelay noloshiisa si uu u helo dad badan oo daawada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan