Himilo FM –Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ammaanay laacibka Chelsea ee Eden Hazard iyadoo weeraryahanka reer Belgium la xiriirinayo in uu u dhaqaaqayo Real Madrid xagaaga soo socda.
Iyadoo 14 gool iyo 12 caawin uu sameeyay, Eden Hazard ayaa doonaya in uu Chelsea ku hoggaamiyo afarta kooxood ee ugu sarreysa Premier League.
Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa soo bandhigay in uu yahay shaqsi xirfaddiisa ciyaareed ay sarreyso ciyaarihii koobka adduunka ee 2018, waxaana uu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan.
“Hazard waa ciyaaryahan aan mar walba jeclaa,” ayuu yiri Zidane.
Hazard ayaan weli qandaraaska u cusbooneysiinin kooxda iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo sannadka soo aadan. 28 jirkan ayaa si cad u sheegay inuu doonayo in uu u ciyaaro Real Madrid sannadkii hore laakiin dhawaan ayuu sheegtay in uu diiradda saarayo mas’uuliyadda Stamford Bridge.