Home / Habka-Nolosha / Zidane oo lugta bidix ee Asensio bar bar dhigay midda Lionel messi.

Zidane oo lugta bidix ee Asensio bar bar dhigay midda Lionel messi.

Weeraryahanka Real Madrid ayaa sameeyay bilaabasho wanaagsan sanadkan, taas oo keentay in lagu masaalo Barcelona superstar-keeda Lional Messi.

Real Madrid xiddigeeda Marco Asensio ayaa sheegay  in macalinkiisa  Zinedine Zidane uu sheegay in uu leeyahay lug la mid ah midda ciyaaryaka kooxda ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Asensio oo xagaagan sameeyay bilaabasho qurux badan ayaa  afar gool dhaliyay  lix kulan oo uu u ciyaaray Madrid.

21-jirkan ayaa dhiiri-gelin buuxda ka helay macalinkiisa Zidane wuxuuna ku faraxsanyahay bilaabashada qurxoon ee uu ku naaloonayo xagaagan.

“Zidane ayaa ii sheegay in tan iyo Lionel Messi, uusan waligiis arkin awooda cagtayda bidix ” Asensio ayaa sidaa  u sheegay COPE.

Messi ayaa ka caawiyay Barcelona inay si wacan ku bilowdo xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga, kooxda Ernesto Valverde ayaa seddex guul ka gaartay sadde dii kulan ee ay soo ciyaaraty.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan